Maayarka Iyo Ku-xigeenka Magaalada Hargeysa Oo Lagu Kala Hagaagay

0
404

Xoggo rasmi ah oo aanu ka helnay illo-wareedyo rasmi ah, ayaa sheegay in kulan ay yeesheen shalay hoggaanka Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku heshiyeen inay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa.

 

 

Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid albaabadu ay u xidhnayeen,waxaana la sheegay inay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale, Xoggaha aannu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID oo ay hoggaaminayeen Faysal Iyo Cirro ay ku heshiyeen inay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa,maaddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ay sheegeen xogguhu in Gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo masuuliyiinta kale ee labadaa Xisbi ay ku heshiyeen in Maayarka uu qaato Xisbiga WADDANI ,isla markaana loo doorto Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge, halka Maayar ku-xigeenka isla qaateen in loo doorto Xildhibaan Khadar Axmed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiga UCID.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadda Xisbiyadda WADDANI iyo UCID,marka laga yimaado xoggahaa aannu ka helnay illo-wareedyadda rasmiga ah ee sheegay in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay kala qaateen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here