Madaxwaynaha Laga Adkaaday Ee Gambia Oo Dacwad Ka Furtay Maxkamadda Dalkaas.

0
335

Madaxweynaha xilka looga guulaystay ee dalka Gambia Yahye jammeh ayaa sheegay inuu qoraal dacwo
ah u gudbiyay maxkamada kaasoo looga horjoogsanayo in la dhaariyo ninka ku guulaystay doorashada Adamu Barrow.

Yahye Jammeh ayaa sidoo kale sheegay in xilliga madaxtinimada uga egtahay ee 19-ka bishan aysan ahayn mid lama taabtaan ah, ayna wax dhibaato ah ku hayn isaga iyo xukunkiisaba.
Yahye Jammeh waxuu doonayaa in maxkamada sare ee dalkaasi ay dhagaysato dacwada uu u gudbiyay, haseyeeshee maxkamada ayaan lahay garsooreyaal ku filan oo dacwadan dhagaysan kara.
Madaxda gobolka ayaa codsanaysa in yahye Jammeh uu ka dego xilka, balse waa lagu guuldaraystay.
Ninka la doortay ee Adamu Barrow ayaa ku sii sugnaan doona dalka Senegal ilaa maalinta khamiista ah.