Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wafti Heerkiisu sareeyo oo ka Socoda Dawlada Somaliland

0
461

Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wafti Heerkiisu sareeyo oo ka Socoda Dawlada Somaliland.

Jig-jiga (Warsugannews)Waftig ka socoda dawlada somaliland ee mudada sadex maalmood joogay Magaalada Jigjiga ee uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda Iyo Iskaashiga Caalamiga Dr,Sacad Ali Shire oo ay ku wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Mohamed Warancade Wasiirka Xiidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista Cali Xamud Jibriil Wasiirka Warshadaha Shucayb Mohamed Muuse Agaasimaha Guud Wasaarada Warfaafinta Mohamed Cilmi Aden(Ilka Case) Agaasimaha Guud Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X, Gaydh waftiga waxa qasriga madaxtooyada dawlada Somalida Ethiopia ku qaabilay Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ku wehelinayeen Afhayeenka Golaha Xildhibaanada ahna Gudoomiyaha XDSHSI Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne ku Xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Mawliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee hay’adaha amniga iyo cadaalada DDSI

Waftiga ka socoday Dawlada Somaliland kulanka oo qaatay sacado badan marku dhamaaday waxa Saxafaada sid wad jir ah ula hadlay masuuliyintii labada dhinaca waxa kulamada diiradda lagu saaray sidii loo xoojin laha xiidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya laba dalka dhinacyada amaanka ganacsiga siyaasada iyo sidii loo xoojin lahaa wax wada qabsiga labada shacab waxa hadal mahad naq ah ka sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr, Sacad Ali Shire wuxuu yidhi “horayn bogaadiyay horumarka baaxada leh ee kajira deegaanka isagoo kut ilmaamay mid ku dayasho iyo in khibrad laga qaato mudan. Wuxuuna ka mahadceliyay qaabilaadii iyo soo dhawayntii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo sheegay inay dhaqan-galiyeen heshiiskii hore walina ay u taagan yihiin sii adkaynta nabadgalyada, dariswanaaga iyo is-jacaylka labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga oo sharaxaya xiidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal wuxuu yidhi “Somaliland ethiopi waa labad dalk oo jaar aha oo xiidhiidh wanaagsna leh oo wax badan wadaago ujeeedada socodaalkayo wuxuu ahaa in xiidhiidhka tariikhka ah adag ee dhinaca walba sidii loo sii xoojin lahaa haday tahay dhinaca amaanka haday tahay dhinaca arrimaha bulshada haday tahay dhinaca waxbarashada iskaashiga Ganacsiga”

Dhinaca Ethiopia waxa Kulanka uga hadlay Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ugu horayn si xurmo leh u qaabilay una soo dhaweeyay waftigan isla markaana kala hadlay wuxuu yidhi” sidii labada dhinac ay usii wada xoojin lahaayeen heshiiskii ay wadagaleen Dawlada Federalka Itoobiya iyo Somaliland oo ahaa nabadgelyo kuwada noolaanshaha, daris-wanaaga, adkaynta amniga xuduudaha, is-jacaylka iyo wadashaqaynta bulshada walaalaha ah ee labada dhinac.

Madaxwaynuhu intaa ku daray “ dawlada Itoobiya iyo Somaliland gaar ahaan DDSI iy Somaliland ay yihiin dad isku dan ah oo aan marnaba kala maarmin isla markaana cidkasta oo isku dayda inay dhibaato kadhex abuurto dariska isjecel ee walaalaha ah aysan marnaba usuurtagalaynin oo ay hal meel ah uga soo wada jeedsanayaan Isagoo uga mahadceliyay dhaqan-galinta heshiiskii hore iyo ku dhiiranaanta hirgalinta iyo wadashaqaynta tooska ah islamarkaana ku amaanay nabad jacaylka iyo walaalnimada reer somaliland. Ugudanbayna, madaxwayne CMC ayaa salaan u diray Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Dhamaan Shacabka reer Somaliland”

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa bogaadiyay kulankan. Wuxuuna sheegay in cadawga itoobiya uu yahay cadawga somaliland islamarkaana cadawga somaliland uu yahay cadawga itoobiya. Wuxuuna balan qaaday in dhankooda marnaba cadaw uga soo galaynin itoobiya sidii horay ay ugu taagnaayeen nabad kuwada noolaanshaha shacabka labada dhinacna ay usii xoojinayaan. Wuxuuna intaa kudaray in lagu sharfay siidaynta wariyihii HCTV ee Gobolka Gabiley mudane mukhtaar nuux oo iyaga lala sugayay.

Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia sanooyinkii u dambeyey waxa ka dhexeyey Xiidhiidh iskaashi waxa wada qabsi xoogaysanayey
IMG_0454 - Copy

IMG_0478 - Copy

IMG_0554 - Copy

IMG_0563 - Copy

IMG_0573 - Copy

IMG_0592 - Copy

IMG_0618 - Copy

IMG_0626 - Copy

IMG_0642 - Copy

IMG_0645 - Copy

IMG_0650 - Copy

IMG_0658 - Copy

IMG_0659 - Copy

IMG_0660 - Copy

IMG_0661 - Copy

IMG_0663 - Copy

IMG_0664 - Copy

IMG_0665 - Copy

IMG_0670 - Copy

IMG_0671 - Copy

IMG_0672 - Copy

IMG_0676 - Copy

IMG_3689

IMG_3690

IMG_3708 - Copy

lj

sl

slj

slj_1

slja
Hassan Farah Qamaan
Hargeisa Somaliland.