Madaxweynaha Hirshabelle oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalada Baledweyne

0
324

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-suggida maamulka Hirshabelle.Ciidankan oo tiradooda ay gaareyso 50 Askari, ayaa ah ciidankii ugu horeeyay ee loo tababaro Maamulka Hirshabelle, iyadoo Munaasabadda tababarka loogu soo xiraayay hadalo ay ka jeediyeen Madaxda Maamulkaasi.Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jayte ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamada gobolka ay dhibaatooyin kala duwan ka haystaan dhanka dhaqaalaha iyo taakylaynta ku sugan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay ciidamada inay ku shaqeeyaan Mushaar la’aan iyaga oo naftooda u hurayaan suggida ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.