Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Loolanka Ka Dhexeeya Kenya Ee Xubinnimadda Golaha Amaanka ”Qaladka Ay Galleen Wadamada Midowga Africa, Waxaan Odhan Karaa Wuxuu Ahaa Mid Xaqa Jabuuti Lagu Luminayo…” Ismaaciil C. Geelle

0
486

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Loolanka Ka Dhexeeya Kenya Ee Xubinnimadda Golaha Amaanka
”Qaladka Ay Galleen Wadamada Midowga Africa, Waxaan Odhan Karaa Wuxuu Ahaa Mid Xaqa Jabuuti Lagu Luminayo…” Ismaaciil C. Geelle

Washintong 28 September (Warsugan)- Madaxaweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay loolanka ka dhexeeya dawladda Kenya ee la xidhiidha Kursiga Qaarradda Africa ee xubinnimada Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey. Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu xidhiidh wannaagsan oo walaalnimo, gaar ahaan waxaa uu sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya uu dhaafsiisan yahay mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu gaadhsiisan yahay ilaa heer mushtamac isaga oo tusaale u soo qaatay in Kenya magangalyo siisay oo dalkeeda ay ku nool-yihiin dad Soomaaliyeed.
Laakiin dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti ayaa eedeyn u jeediyay Golaha midowgga Africa oo u codeeyay in kursiga Golaha Amniga Qarramada Midoobey ku matasho Kenya, waxaan uu sheegay madaxweyne Geelle in arintaasi aheyd mid qalad ah.

”Qaladka ay galleen wadamada midowga Africa waxaan odhan karaa wuxuu ahaa mid xaqa Jabuuti lagu luminayo oo la baalmarayo, waayo Kenya Laba jeer ayeey Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ku matashay Qaarradda, laakiin Annaga mar kaliya ayeey aheyd, sidaa daraadeed waxaan u arkey-nay cadaallad darro la sameeyay” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

Wali waxaa taagan loolanka labada dawladood Jabuuti iyo Kenya ee la xidhiidha xubinnimada Kursiga Golaha Amaanka waxaana ay Jabuuti hadda taageero mug leh ka raadeysneysaa wadamada Carabta oo dhankooda taageero u muujinaya.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland