Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta kulan la qaatay Culimada Dalka.

0
528

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta kulan la qaatay Culimada Dalka.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii shacbiga loogu baraarujin lahaa inay tukadaan salaada Roobdoonta ee Madaxweynuhu u asteeyey inay dalka guud ahaanba ka qabsoonto ayuu madaxweynuhu ku bilaabay sidan:-

Maadama aynu nahay ummad muslin ah marka uu sidan oo kale Roobku Dib u dhaco Abaartuna Adkaato Raxmadduna raagto waxaa rasuulka suubani CSW uu tukan jiray salaadda roobdoonta, sida awgeed inagoo raacayna Sunnaha Rasuulkeena CSW waxaan farayaa dhammaan ummadda reer Somaliland in ay Alla ka cabsadaan oo ay u toobad keenaan isna saamaxaan kana qayb galaan salaadda roob doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta isniinta ee 1da bisha February 2016ka kuna Beegan 22ka Bisha Rabiicaltani ee 1437ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:30 Siddeedda subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo, salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka sidan oo kale uu Roobku inagu yaraado ama ay Abaartu adkaato.

Walaalayaal Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo Alla ka cabsiga iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana wanaagga la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga maanta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay qoyskaaga ama qaraabadaada wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno. Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.

DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0019

DSC_0029

DSC_0089

DSC_0094

DSC_0102

DSC_0108

DSC_0118

DSC_0123

DSC_0139

DSC_0149

DSC_0154

DSC_0165