Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Yare + Sawiro

0
341

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Yare

Hargeysa-09-11-2021-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha RUWEYDA (Halleeya) ee duleedka Waqooyi bari ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar yare) oo shalay geeriyooday.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka axsaabta qaranka, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, waxana halkaas lagu soo bandhigay taariikh-nololeedkiisii, xilalkii kala duwanaa ee uu dalka kasoo qabtay muddadii uu noolaa iyo sidii uu ugu adkaa qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar kamid ah la-taliyayaasha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madax-dhaqameed ay saaxiibbo dhaw ahaayeen marxuumka, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sifooyinkii wacnaa ee marxuumka, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkiisa iyo qarankana Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo jinaasada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday Taariikhdii ma guurtada ahayd ee marxuumku lahaa, dun-wanaagiisii iyo doorkii shariifka ahaa ee uu kasoo qaatay hirgelinta qaddiyadda Somaliland, waxana ay marxuumka ku tilmaameen halgamaa naftiisa u huray qaranka, kaalinna ku lahaa taabbo-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay qiimaha uu marxuumku bulshadiisa ku dhex lahaa iyo dabeecadaha wanaagsan ee uu ku sifoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wuxuu lahaa dabeecadda is-dhuldhigga, nin aan innaba kibir iyo madax-taag ku jirin buu ahaa, waana dabeecadaha Bani’aamka lagu ammaanay, nin kasta oo yaqaannayna intaas wuu ku yaqaannay, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa abaalka Amni ee uu dalkan u galay inuu ku abaalmariyo.”

Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo maanta la Aasay, ayaa kamid ah siyaasiyiintii qaranka usoo shaqeeyey, isaga oo muddii ay Somaliland jirtayna xilal kala duwan oo wasiirnimo kasoo qabtay, waqtiyadii hore ee ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Dawladdii Ingiriiskana xilal soo qabtay.


WA-BILAAHI TAWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here