Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay hoggaanka Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO

0
200

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay hoggaanka Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO.

 

Hargeysa-28-05-2023-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley  hoggaanka dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi iyo dar-dar gelinta hawlaha dhallinyarada iyo kuwa Qaranka ee kaga aaddan doorkooda dhallinyaro ahaan, waxaana dood iyo falanqayn dheer ka dib la isla meel dhigay in la libin-laabo dedaalka wada-shaqayneed ee suura-gelinaya hirgelinta arrimaha laga munaaqishooday.

 

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin sidii ay dhalinyaradu qayb uga noqon lahayd is-dhexgalka bulshada iyo arrimaha la xidhiidha amniga guud ee qaranka.

Dhinacooda, dhallinyaradu waxa madaxweynaha uga mahadnaqeen hirgelinta sanduuqa horumarinta dhallinyarada iyo barnaamijka shaqo qaran oo ay ka soo baxeen da’yar badan oo dalku mahadiyey waxqabadkooda, iyaga oo bogaadiyey kaalinta mugga leh ee uu madaxweynaha qaranku xukuumaddiisa ka siiyey da’a yarta.

 

Madaxweynuhuna waxa uu ku dhiirrigeliyey dhallinyarada in la joogo wakhtigii ay da’a yarta aqoonyahanka ahi isu diyaarin lahaayeen hoggaaminta dalka ee ay u beddeli lahaayeen jiilasha wakhtigooda iyo cimrigoodaba u huray in la helo aqoonyahan da’a yar oo dalkani yeesho, siina Ambaqaada horumarka iyo dedaalada Qarankan Somaliland hiigsanayo.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here