Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabbuuti Ku Hambalyeeyey 45-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen.

0
248

HAMBALYO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabbuuti Ku Hambalyeeyey 45-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen.

Hargeysa-27/06/2022-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda iyo shacabka aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska sannad guurada 45-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyaddooda oo ku beegnayd Maanta oo Isniin ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhaan.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 45-tan jirsaday ee ay u dabbaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here