Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegtooyin Madaxweyne kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa

0
441
Wareegto Madaxweyne: 04/09/2021
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
 
UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD
 
Ku: Baashe Cawil Cumar
 
Mudane,
 
Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.
 
UJEEDDO: MAGACAABID
 
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
 
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
 
Markaan Sameeyey: La-tashi;
 
Waxaan Go’aansaday;
 
In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here