Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan Casho Sharaf Ah Ugu Sameeyey Weftigii Itoobiya Ka Socday.  

0
309

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan Casho Sharaf Ah Ugu Sameeyey Weftigii Itoobiya Ka Socday.

Hargeysa-07-07-2022-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wefti ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo hawlo shaqo u jooga Dalka. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ay labada dal horeba isaga kaashan jireen, waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha isu socodka ganacsiga labada dhinac.
Kulankaas Waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaarradaha Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdrisaaq Ibraahim Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Ahmed Hurre Haarriye.

Dhinaca Weftiga, ka socday Itoobiyana waxay ka koobnaayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Marwo Dagmawit Moges, Wasiir, La-taliyaha Amniga Qaranka, mudane Redwan Hussien, Agaasime ku xigeenka Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda, Amb. Jamaluddin Mustafa, Agaasimaha Amniga Badaha, Mudane Yehualashet Jemere iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb. Saeed Muhamed Jibril.


ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here