Madaxweynaha JSL Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirtu Ku Dhex Marayso Koonfurta Gobolka Sool, Fariina U Diray Cidkasta Oo Dedaal Nabadeed Ka Qaadan Karta Shaqaaqadaa

0
514

Madaxweynaha JSL Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirtu Ku Dhex Marayso Koonfurta Gobolka Sool, Fariina U Diray Cidkasta Oo Dedaal Nabadeed Ka Qaadan Karta Shaqaaqadaa

Madaxweynaha Somaliland oo Baaq Nabadeed u diray Beelo ku Diriray Gobolka Sool, Fariinna u diray cid kasta oo kaalin ka qaadan karta daminta colaadaas

Hargeysa (WSN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool, gaar ahaan degaanka qoriley. Waxaannu yidhi; “Waxaynu halkan baaq uga diraynaa dhammaanteen xukuumadoo dhan iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, walaalaha isku dilaya magaaladda Qoriley koonfurta barri ee gobolka Sool.

Dagaalkaasi dagaal loo baahan yahay maaha dad badanina wuu ku dhintay, sannado badanna wuu socday, saddex dalna wuu saameeyaa Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya intaba wuu saameeyaa. waa halkay saddexda xad isugu yimaadaan. waxaannu baaq u diraynaa dadka walaalaha ah ee halkaa isku dilaya in caqligu shaqeeyo oo aanu dil waxba kordhinin.”

“Muddo ka badan 10 sanno sida la ii sheegay ayuu dagaalkaasi socdaa oo kolba intuu damo uu haddana dib soo hurayaa mar walba 10 ilaa 20 oo qof baa ku dhimata, intaas oo qofna way ku dhaawacantaa, sabab aynu dagaalkaa riiqda dheer isugu dhimanno oo dadkaasi u dhintaanna garan maayo, wixii muslim ah iyo Soomaali ah ee waxgarad ah, waxaan leeyahay arrintaa haloo gurmado oo dadkaa is dilaya waa dad Soomaaliyeed, waa Somaliland, waa Soomaaliya, waa Kililka Shanaad ee Itoobiya waa isku qoys uun xadka kolba dhan u tal-talaaba.

Muslin ahaan in loo gurmado oo arrintaa xal waara laga galo oo la damiyo ayaanu baaqan u diraynaa waxgaradka saddexda dawladood ee ay saamaysaba, diyaar baanu u nahay nabadda in aanu qeybtayada ka qaadanno waayo Somaliland nabadda ayey hoggaamisaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu ka hadlay dab xalay qabsaday magaaladda Wajaale iyo guri ku gubtay magaaladda Gabiley, waxaannu yidhi; “Wajaale xaafad baa gubatay danyar ah oo waliba intii danyarta ahayd ah, 70-guri iyo in ka badan wixii hoos yaalayba way gubteen oo waa shuf beeleen, nasiib wanaag halkaa ciddi kuma dhiman, isla maanta toban guri oo Gabiley ku yaala ayuu dab qabsaday hooyo danley ah baa ka tagtay caruurtii bay kaga tagtay. Shan bay ahaayeen mid baa ku dhintay oo gubtay, intaba waanu tacsiyadaynaynaa.

Waxaannu ugu mahadnaqaynaa dab-damiska Somaliland oo Hargeysa iyo Boorame ka gurmaday saddexdii habeenimo, waxaannu u mahadnaqaynaa ciidanka booliska oo si wacan u soo abaabulay oo ilaa Taliyahoodii waaberigiiba ka gaadhay gurmadkii ugu horreeyey ee ka baxay Hargeysa oo uu hoggaaminayey Taliye Fadal, ciidanka birmadkii, dab-damiskii, kuwii Boorama u dhawaa iyo kuwii Gabiley. waxaa gacan weyn siiyey dadka Wajaale degan si wacan bay u wada shaqeeyeen.”

“Sidaasay magaaladii ku badbaaday oo magaaladda intii weynayd looga gaadhay dabka oo dadka isku xidhani darbi ka noqdeen mid baaldi sida mid gaadhiga jiida, mid alaabta ka gura, sida la ii sheegayey waxaa dabku in yar u jirsaday Bakhaar ay ka buuxaan Naafto iyo Batrool oo ay gacmaha kaga gureen.

Shantii habeenimo qoladaasna waan hambalyeynaa in gurmadkaa iyo feejignantaa aynu lahaano, waxaan inoo rajaynayaa hawl wanaagsan, dadku rajo badan bay innaga qabaan xukuumadana inteenna halkan (shirka wada-tashiga) fadhida rajo badan, baa la innaga qabaa,”ayuu yidhi Madaxwyenaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi tawfiiq