Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Qalin Jebinta  Dufcadii 1aad Ee Jaamacada Hablaha Ee Barwaaqo University + Sawiro

0
512

Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Qalin Jebinta Dufcadii 1aad Ee Jaamacada Hablaha Ee Barwaaqo University

Balliga-cas-16-08-2021-(WMG)-madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qaybgalay qalin jebinta Jaamacadda Barwaaqo University Oo Ku Taalla Deegaanka Baliga-cas Oo Jihadda Waqooyi Ka Xigta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Lagu qabtey munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 16 Hablood Oo Ka ah dufcadii koowaad ee Jaamacada Barwaaqo ka baxda.

Waxaana madashaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, taliyaha ciidanka booliska, agaasimaha shaqo qaran gudoomiyaha guddida tamarta, maareeyaha wakaalada biyaha, madaxda iyo macalimaiinta jaamacada barwaaqo iyo waalidiinta ardayda qalin jabisay.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadashay maamulaha cusub ee dugsigaasi loo soo magacaabay marwo Joy Isa, waxa iyana halkaa ka hadashay Nimco Axmed Ismaaciil oo ah ardaydii ugu horaysay ee waxbarasho dibedeed uu dugsiga abaarso ugu diro dalka maraykankanka wakhtigana ka mid ah masuuliyiinta jaamacada barwaaqo, waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Rob Kaofman oo ku hadlayey afka agaasimaha abaarso network oo ku sugan dalka maraykanka iyo Xayaad Carte oo ah aas-aasaha barnaamijka sahamiye oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada jaamacadan iyo dugsiga abaarso ay u leeyihiin bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiima ayaa yidhi “Maanta waxay ka mid tahay Maalmaha aan aad u faraxsanahay, Xafladda aynu nimi farxada aan ku faraxsanahay waxay ka turjumaysaa, waa markii ugu horaysay ee hablo macalimiin loo tababaray oo loo soo diyaariyey inay dadka wax baraan iyagoo gaara iyo Jaamacad u gaara oo ay leeyihiin waa markii ugu horaysay ee aan kasoo qeyb galo taariikhdayda, waana arrin guul u ah inta Af-Somaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan Somaliland qarankeeda rag iyo dumarba, waana mustaqbal ifaaya oo dalkeena maanta u bilowday inaynu helnay qeyb ka mida dalkeena dadka ku nool ay yeeshaan Jamaacad u gaar ah”.
Madaxweynaha oo khudbadiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland haddaynu nahay waxaynu u baanahay in mashaakilka ina haysta qaarkood isla fahano, waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay”.
Sidoo kale madaxweynaha uu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaynu aqoonta qaadano, waxaynu u baahanahay inaynaan noqon dad fuleyaal ah oo haddii ay cidd murmaanba iyaga laga adkaanayo inaynaan baqqe ka dhigin caruurteena ninka ay murmaanba inuu duufsanaay, Soomaaliduna waa ku adagtahay diinteeda”.

Madaxweynaha oo ugu danbayntiina shahaadooyin gudoonsiiyey hablihii ka baxay jaamacada Barwaaqo ayaa ku dhiirigeliyey waalidiinta inay ka faa’iidaysataan waxbarashada loogu keenay dalkooda oo aanay dhegeysan kuwa dacaayada la daba-jooga dugsiga abaarso iyo jaamacadiisa barwaaqo.


Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here