Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Oo Muddo Hal Sanno Ah Ku Kordhiyay Cunaqabataynta Dhaqaalaha Soomaaliya

0
287
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kordhiyay muddo sannad ah cunaqabateyn lagu xayiray Dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay Barack Obama iyo Donald Trump ay hore tallaabadan oo kale ku dhaqaaqeen.

 

Qoraal kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu saxeexay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

“Iyada oo la qadarinayo Xaaladda Soomaaliya, Amniga iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn” Sidaasi waxaa lagu yidhi Warqadda Aqalka Cad kasoo baxday.

“Sababta xaaladda Degdega ah dhalisay ayaa lagu dhawaaqay 12-kii April 2010, waxaana tallaabada la qaaday 20-ka July 2012, waana in aan sii wadnaa xayiraadda laga bilaabo 12-ka April 2021”. ayaa ka mid ahaa ereyadii lagu qoray qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ilaalinayo amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sannad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here