Madaxweynaha Oo Abaalmarintii Shannaad Ee Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Gudoonsiiyey Guulaystayaashii Ku Soo Baxay Kaalmaha Koowaad Ilaa Afraad Ee Masjidka Cali Mataan, Balan Rasmi Ahna U Sameeyey Labadii Kaalmood Ee Ugu Sareeyey Tartanka +sawirp

0
555

Madaxweynaha Oo Abaalmarintii Shannaad Ee Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Gudoonsiiyey Guulaystayaashii Ku Soo Baxay Kaalmaha Koowaad Ilaa Afraad Ee Masjidka Cali Mataan, Balan Rasmi Ahna U Sameeyey Labadii Kaalmood Ee Ugu Sareeyey Tartanka

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo sanad walba abaalmarin gudoonsiiya ardayda ku tartanka xiftiga qur’aanka kariimka ah ee lagu qabto masjidka Cali Mataan Hargeysa, ayaa gelinkii danbe ee Khamiistii 08/06/2017 qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabiley sanadkii shannaad oo xidhiidh ah da’a yartii ku soo baxday kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad, iyadoo uu madaxweynuhu taaariikhda markii u horaysay uu isagu bilaabay tartankan qur;aanka kariimka ah inuu qasriga madaxtooyada ku qaabilo guulaysataasha, gudoonsiiyana gaadhi noociisu yahay NOAH weliba numberkii u danbeeyey ah iyo abaalmarino kale, ayaa sannadkana ku soo kordhiyey arrin kale oo cajiib ah culimadii ku sugnayd goobtaas iyo cid kasta oo wanaaga jecelna farxad gelisay, taasi oo ah in madaxweynuhu labadii arday ee ugu sareeyey ardaydaasi uu sanadkan ka bixiyey cimrada inay tagaan iyadoo uu madaxweynuhu sanadkan ku soo gunaanaday taariikh kale oo cusub dhiirigelinta tartamada qur’aanka iyo kor u qaadida diinta islaamka ee suuban.

Madaxweynaha oo u mahadnaqay culimada, macalimiinta, waalidiinta ku tabcay ubadkan qiimaha badan, iyo tartamayaasha ayaa yidhi”aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa ardaydaa dhalinyarada ah ee ku guulaysatay tartanka qur’aanka kariimka ah, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dadka isugu yimid xafladan qiimaha badan, waxanan si gaara ugu hambalyeynayaa culimadii ka shaqaysay iyo intii gacan ka geysatay, ilaahayna waxan ka baryayaa inuu meel wanaagsan ina mariyo dhamaanteen”.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne waa tartankii ramadaanta ee laguugu magacdaray, waana sanadkii shanaad ee si toosa uga socday dalka, ardaygan ku garab taagan ee sharafta badan ee nuurku ka muuqdo waa ardayga kaalinta koowaad Somaliland u galay waxa uu ka socdaa gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada burco, da’diisu way yartahay balse nimcada ku jirta ee qur’aankaa farabadan, sidaa awgeed mudane Madaxweyne waxa aanu jecelnahay furihii iyo gaadhigiiba waa kaase inaad ku wareejiso”, ka dibna madaxweynuhu waxa uu gudoonsiiyey guulaystaha tartanka qur’aanka kariimka ah buuggii iyo furihii gaadhigii loogu talogalay kaalinta koowaad ee tartanka waxaanu madaxweynuhu yidhi “aad ayaan ku hambalyeynayaa adeero hawshaa wanaagsan ee aad wadana ilaahay ha kula qabto”.

Intaa ka dibna waxa la gudo galay munaasibadii balaadhnayd ee madaxweynuhu u sameeyey tartamayaasha bisha ramadaan sanad walba ku tartama xiftiga qur’aanka kariimka ah, iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed, wasiirka madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlayey afka culimada iyagoo dhamaantood ka hadlay doorka uu madaxweynuhu ku leeyahay in kor loo qaado diinteena islaamka iyo dhiirigelinta tartamada qur’aanka kariimka ah.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu abaalmarino gudoonsiiyey afarta kaalmood ee ugu sareeyey tartanka qur’aanka kariimka ah oo uu ugu weynaa gaadhi la gudoonsiiyey guulaystaha kaalinta koowaad ka galay tartanka, waana sidan:

4. Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac waa Ardayga Kaalinta Afraad galay, waxaanu ka socday Gobolka Sanaag isagoo keenay dhibco dhan 98.1%, waxaanu ku guulaystay abaalmarino ay ka mid ahaayeen 700 oo doolar, shahaado, masfax iyo qalab fara-badan oo kale

3. Maxamuud Axmed Cali oo galay kaalinta saddexaad kana socday togdheer gaar ahaan magaalo madaxdiisa Burco, keenayna dhibco dhan 98.5%, waxaanu isna ku guulaystay dhamaan waxa uu ku guulaystay wiilka kaalinta afraad galay balse waxa uu dheer yahay 1,000 doolar iyo Mobile.

2. Shaafici Jaamac Jibriil oo ka socday gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan magaalo madaxda dalka ee Hargeysa, wuxuu ku guulaystay 2,500 oo doolar, iyadoo uu inta kale kala siman yahay saaxiibadiisa kale.

1. Cabdixakiim Muuse Aadan oo saddex iyo toban jir ah ayaa kaalinta koowaad galay isagoo sanadkii horena ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka ay qabto shirkada dahabshiil group, waxaanu ka socday gobolka togdheer magaalo madaxdiisa Burco, wiilkaa da’da yari waxa uu ku guulaystay gaadhigii shanaad ee madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Bixiyo ama ramadaantii shanaad ee uu madaxweynuhu abaal mariyo afarta kaalmood ee ugu sareeya tartanka qur’aanka kariimka ah ee lagu qabto masjidka Cali Mataan, laguna soo gunaanado madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

s


Wa-bilaahi tawfiiq
Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL