Madaxweynaha Oo Bahda Fanka Iyo Suugaanta, Iyo Shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuumiinta Rashiid Balluu Iyo Axmed Baaruud Oo Shalay La Aasay

0
320

Madaxweynaha Oo Bahda Fanka Iyo Suugaanta, Iyo Shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuumiinta Rashiid Balluu Iyo Axmed Baaruud Oo Shalay La Aasay.

Hargeysa(WSN)TACSI MADAXWEYNE: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim oo ka mid ahaa fanaaniinta dalka Iyo Marxuum Axmed Baaruud Aadan oo isna ka mid ahaa weriyeyaasha Idaacada Radio Hargeysa oo ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa xalay oo ay taariikhdu ahayd (28.04.2017), labada marxuum maanta ayaa lagu aasay xabaalaha Naaso hablood iyo Xeedho.

Madaxweynuhu waxa uu marxuum Rashiid Balluu Ibraahim ku sifeeyey muwaadin hawlkara Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir ka baxay qaranka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxaanu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaan, mullaxan, heesaa iyo tumidda muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aan waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door muuqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somaliland, waxa uu ka mid ahaa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii lagu bilaabay aas-aaskii idaacaddii Radio Hargeysa, caana ku ahaa heestii Radio Hargeysa ee tani waa Hargeysoo hirarka gagaaban idin kala hadlayse, habeen wanaagsan, waan hoyanayaaye habeen wanaagsan, isagoo fanka ku biiray 1950kii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL