Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey shacbiga iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey shilkii naxdinta lahaa ee maanta dhacay

0
444

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey shacbiga iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey shilkii naxdinta lahaa ee maanta dhacay
TACSI MADAXWEYNE-27/04/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyadaynaya dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kantratoolka bari ee Hargeysa maanta 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto jannadana geeyo qoysaskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

C/raxman Sh Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.