Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta oo khamiis ah kala qayb-galay taageerayaasha Xisbul xaakimka Kulmiye oo maalintii u danbaysay Ololaha doorashada Madaxtooyada ku soo bandhigay beerta xoriyada ee Hargeysa
Hargeysa(wsn)Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah u jeediyey shacbigii isugu soo baxay beerta xoriyada ayaa yidhi “Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Beerta Xorriyada Hargeysa, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe;
“Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in maanta oo muddo xileedkaygii, gebo-gebo ku dhaw yahay, aan hortiina imaado, isla markaana idiin jeediyo, hadallo dardaaran iyo duco ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa hubaal ah, in Xisbiga KULMIYE, uu ku guulaystay hoggaamintii talada dalka, muddadii uu dalka dawladda ka ahaa. Waxa hubaal ah, in Taageerayaashii noo codeeyey, Doorashadii 2010-kii, aanay guul-daraysan, isla markaana, aanay fartoodii dib u hiifayn. Muddadii toddobada sanno ahayd, ee uu Kulmiye talada dalka hayey:
· Waxa uu Kobciyey Dakhligii Dawladda iyo Dhaqaalihii Dalka.
· Waxa uu kordhiyey Kaabayaashii Dhaqaalaha.
· Waxa uu si weyn kor ugu qaaday Adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha bulshada.
· Waxa uu adkeeyey amnigii qaranka.
· Waxa uu is-laaxiyey Garsoorkii iyo Caddaaladdii, loo oomanaa.
· Kulmiye, wuxuu urur-shay Dadkii kala irdhoobay, ee walaalaha ahaa.
· Kulmiye, wuxuu dalka u hor-seeday horumar balaadhan iyo maalgashi caalami ah.
Sidaa darteed, waxaan leeyahay, KULMIYE wuu guulaystay, qarankeenuna wuu guulaystay. Waxaan leeyahay, taageerayaashii Xisbiga kulmiye way guulaysteen, goob kasta iyo gobolkasta, oo ay joogaanba. Mar labaad, waxaan ku celinayaa, Xisbiga Kulmiye shalay wuu guulaystay, maantana insha Allah, waa guulaysan doonaa. Waxaan leeyahay, is-beddelkii codka taageerayaasha KULMIYE sababta u ahaayeen, laguma khasaarin, ee waa la mahadiyey. Waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahad-celiyo dhammaan Wax-garadkii, Aqoon-yahankii, Waayeelkii, Haweenkii iyo Hal-doorkii Dhallinyarada, ee codkoodu suurtagaliyey, in uu KULMIYE guulayso, isla markaana aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxaan ku bogaadinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, dedaalkii iyo doorkii ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, koboca dhaqaalaha, midnimada iyo wada-jirka ummadda, mudadii aan qarankan Odayga u ahaa.
Duco-qabayaal,
Sida aad la socotaan, waxa maalmo koobani ka hadhsan yihiin, Doorashadii Madaxtooyada, taasoo saamayn weyn ku leh mustaqbalka dalka, iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland:
§ in ay codeeyaan, isla markaana doorashada si buuxda uga qayb-qaataan.
§ in ay nabadda ilaaliyaan, kana feejig-naadaan wax kasta oo abuuri kara xasilooni darro.
in ay gacan siiyaan ciidammada ku hawlan sugidda amniga.
§ in ay isu dulqaataan, isla markaana isku ixtiraamaan kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee dhexdooda.
§ in la dhawro xeerarka iyo anshaxa doorashada, isla markaana loo hoggaansamo go’aamadda Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Ugu dambayn, si horumarka iyo wax-qabadka Xisbiga KULMIYE uu taabo-geliyey, halkaa uu uga sii tis-qaado, waxaan ugu baaqayaa, Shacbiga Somaliland, in ay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, musharixiinta Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii uu lahaa Xisbiga KULMIYE, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba”.
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,