Madaxweynaha oo shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Cali Buraale Raage Tacsi u diray

0
372

TACSI MADAXWEYNE-25/09/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Waxgaradka, waayeelka, Aqoon yahanka, madaxda dhaqanka, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Eheladii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cali Buraale Raage oo ku geeriyooday Maanta“25/09/2016” Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday qaranka ka baxay, kana soo shaqeeyey dib u dhiska dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega Somaliland, oo marxuumku uu ka mid ahaa raggii doorka muuqda ka qaatay.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waxgaradka, waayeelka, Aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.