Madaxweynaha Oo tACSI u DIRAY Qoyska iyo Shacbiga Somailand ee uu ka baxay Marxuum Suldaan muuse Cabdi Geelle oo Caawa ku geeriyooday boorama

0
300

Madaxweynaha Oo tACSI u DIRAY Qoyska iyo Shacbiga Somailand ee uu ka baxay Marxuum Suldaan muuse Cabdi Geelle oo Caawa ku geeriyooday boorama

27/12/2016
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Muuse Cabdi Geelle oo ku geeriyooday 27/12/2016, magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.