Madaxweynaha oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xasan Umal Mire

0
352
????????????????????????????????????

Madaxweynaha oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xasan Umal Mire
TACSI MADAXWEYNE-05/11/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Umal Mire oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2016.

Marxuumku waxa uu door muhiima ku lahaa dhismaha dalka iyo nabad kuwada noolanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan oo uu marxuumku ahaa dadkii ka shaqeeyey sidii qarankani u noqon lahaa mid la jaanqaada dunida kana dheeraada wixii waxyeelo u ah shacbiga iyo guud ahaan mandaqada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.