Madaxweynaha oo Wasiirka Qorshaynta iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuuma Hooyo Faadumo X Cali X Abokor

0
793

Madaxweynaha oo Wasiirka Qorshaynta iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuuma Hooyo Faadumo X Cali X Abokor
TACSI MADAXWEYNE-18/04/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Faadumo Xaaji Cali Xaaji Abokor oo ku geeriyooday Hargeysa 18.04.2016.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara tacsidaa ugu dirayaa wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ay marxuumadu hooyadii ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.