Madaxweynaha Qaranka SL Hogaamiye Diiwaanka Taariikhda Geeska Africa Galay Iyo Milgaha Xusuusta.

0
353

Madaxweynaha Qaranka SL Hogaamiye Diiwaanka Taariikhda Geeska Africa Galay Iyo Milgaha Xusuusta.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xilka madaxweyne nimo ee Wadanka Somaliland wuxuu hada taladiisa hayey wakhti ku siman 7-sano oo wax dhiman, mudadadaasi uu xilka hayey waxaa marag ma doona in qaranku ku talaabsaday guul iyo horumar aanay somaliland gaadhin 20-sanadood ee ay somaliland jirtay waxaa marnaba indhaha laga qarsan Karin horumarka balaadhan ee somaliland ka hana qaaday mudadaasi yar uu joogay.
Hadii aan is barbar dhig yar ku samayno Xukuumada Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadii dihii k ahoreeyey ee dalka soo maray oo ay ugu danbaysay Xukuumadii ina riyaale waxaay dawlada Xaaji Axmed Siilaanyo ka waxqabad iyo horumar badan tahay toban jibaar marka laysku wada tiro saddexdaa xukuumadood ee ka horeyey, wuxuu dajiyey siyaasad cusub oo mustaqbal leh taasoo sababta inay dalka ka dhismaan badiba xarumaha wasaaradaha qaranku oo markii hore ahaa dhismayaashii laga dhaxlay gumaysigii Ingiriiska, sidoo kalena waxaa sare u kacay saddex jibaar dhaqaalihii wadanka iyadoo si xawli ah ay u korodhay miisaaniyada qaranku oo la garanaayo halka uu maanta marayo, somaliland waxaa ka hana qaaday nimaadka kor u qaadida cilaaqaadka iyo wada shaqaynta aduunyada ka dib markii ay aduunyadu aragtay isbedelka baaxada leh ee ka muuqda waxaana markiiba bilaabmay sahaminta shiidaalka somaliland .
Geesinimada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa ta keentay inuu ku dhiirado oo furo Ururadii siyaasada sanadkii 2012 kii oo keentay inay tartamaan in ka badan 15 Urur siyaasadeed kuwaas oo qarkood loo furtay hab qabiilaysan, waxaa dhibaato noqotay kala saaristoodii ka dib doorashadii Golaha deegaanka, Md Madaxweyne Axmed siilaanyo iyo xukuumadiisuba waxay si hufnaan iyo xarago leh uga dabaasheen xaaladihii cakirnaa soo maray iyo duufanadii dabaylaha siyaasadeed watay.
Wakhtigaa ku dhaw 7-sano lama arag mucaaridad xoogan oo kasoo horjeeda xukunka Madaxweyne siilaanyo taasina waxay muujinaysaa bisaylka siyaasadeed iyo hogaaminta wanaagsan iyadoo sabab u noqonaysa in la waayo wax mucaaridad xoogan sidoo xisbiga kulmiye ahaa makrii uu mucaaridka ahaa , Madaxweyne siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa geesi taariikh leh islamarkaana ah hogaamin suuban oo yaqaan sida bulshada loo hago loona koriyo dhaqaalaha iyo horumarka waana ta saamaxday in somaliland ay mudadaa yar ku naalooto barwaaqo iyo badhaadhe.

Madaxweyne Guul iyo Gobanimo Garabkaaga