Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo diiday in uu Tarxiilo Diblomasiyiinta Mareykanka

0
332

MOSKOW war sugan news  – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shalay Jimcihii ku dhawaaqay in dalkiisa uusan ka saareyn Diblomaasiyiinta Mareykanka taasoo la filayey in uu jawaab uga dhigo go’aankii Mareykanku uu dalkiisa uga saaray 35 Diblomaasi oo Ruush ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey go’aanka Mareykanka ,waxayna Jimcadii shalay ku dhawaaqeen in iyaguna dhankooda Tarxiilayaan 35 Diblomaasi oo Mareykan ah oo ku sugan Safaarada iyo Qunsuliyada ay ku leeyihiin Ruushka.

Sergei Lavrov oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin in Ruushku ku lug lahaa faragelinta doorashooyinkii ka dhacay dalka Mareykanka taasoo uu sheegay in aan wax cadeyn ah loo hay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kasoo horjeestay codsiga Wasiirkiisa Arrimaha dibadda ,wuxuuna rajo ka qabaa marka uu xilka la wareego Donald Trump in xiriirka labada dal si caadi ah kusoo noqdo.

Ma dooneynyno in aan dhibaateeyno Diblomaasiyiinka Maraykanka, mid kamid ahna ma tarxiileyno ayuu yiri Putin.

Hay’ado 17-gaaraya oo dalka Mareykanka ah oo ka shaqeeya arrimaha sirdoonka ayaa horay isugu raacay in Ruushku isku dayey in uu farageliyo doorashada Mareykanka.