Madaxweynaha Somaliland ee la Doortay oo kulan la Qaatay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

0
451

Madaxweynaha Somaliland ee la Doortay oo kulan la Qaatay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Hargeysa (WSN)- Madaxweynaha shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro() iyo saraakiil kale oo xisbigaas ka tirsan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka xaabasha Marxuum Axmed-yaasiin Gabay-xaddi oo maanta aas qaran oo loogu sameeyey xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxaanay kulankaas Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu ku muujiyeen inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada hawlaha dhismaha iyo horumarinta qarannimada Somaliland.

Madaxweynaha oo wehelinayeen xubno ka mid hoggaanka KULMIYE, wasiirro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo ka qaybgalayey aaska, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay dhammaanba xubnihiii ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiramaan Cirro, waxaannu u sheegay inuu u baahanyahay sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isagu ahaa murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga WADDANI uga qaybgalay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ayaa marag ka ah sida ay dhammaanba shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiintoodu isugu duubbanyihiin, isla markaana diyaarka ugu yihiin xoojinta midnimadooda iyo isku duubnidoodaba.