Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo Fanaanka Weyn Nuur Daalacay ka tacsiyadeeyey geerida ku timid aabihii Jaamac Aadan Bullaale oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Gabiley

0
329

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo Fanaanka Weyn Nuur Daalacay ka tacsiyadeeyey geerida ku timid aabihii Jaamac Aadan Bullaale oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Gabiley

TACSI MADAXWEYNE-02/12/2015
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) oo uu aabihii Marxuum Jaamac Aadan Bullaale ku geeriyooday dhawaan Magaalada Gabiley, laguna aasay Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.