Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo Tacsi u driay Hoggaanka Dhaqanka iyo Shacbiga isagoo ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Ugaas Claahi Ciise Nuur

0
352

TACSI MADAXWEYNE:17/08/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo ku geeri yooday 17/08/2016 dalka Turkiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlana horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland ku dhaqan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, golayaasha qaranka, guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Xafiiska Saxaafada eee Madaxtooyada JSL.