Madaxweynaha Somaliland Oo Habeenkii Xalay Casuumad Sharafeed Ku Maamuusay Haldoorka Qurbajooga Xisbiga KULMIYE Ee Wakhtigan Dalka Ku Sugan.

0
514

Madaxweynaha Somaliland Oo Habeenkii Xalay Casuumad Sharafeed Ku Maamuusay Haldoorka Qurbajooga Xisbiga KULMIYE Ee Wakhtigan Dalka Ku Sugan.

“Martiqaadkan Waxaan Kaga Wakiil Ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ii Wakiishay In Aan Hawl-wadeenada Iyo Haldoorka Qurba-jooga Xisbiga KULMIYE Marti-Qaado” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (wsn) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeenkii xalay casuumad sharafeed ku maamuusay haldoorka qurbajooga xisbiga KULMIYE ee wakhtigan dalka ku sugan.

Casuumadaasi oo aanuu Madaxweynuhu goob-joob aha ahayd waxa waxa wakiil ugu ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanay ka dhacday Green-Plazza, munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa waxa qayb galay, Wasiiro, xildhibaato, hoggaanka KULMIYE iyo martid sharaf kale oo tiro badan.

Casuumadaasi oo daaranayn boggaadin iyo mahad-naq ku saabsan doorka ay qurbajoogu ku leeyihiin hawlaha xisbiga KULMIYE ayaa sidoo kalena laga hadlay dardar galinta Ole-olaha xisbigu hada ugu jiro tartanka Madaxtinimo ee dalka.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “ Sharaf iyo farxad weyn ayey noo tahay caawa in aynnu madashan ku kulano, martiqaadkan waxaan kaga wakiil ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ii wakiishay in aan hawl wadeenada iyo haldoorka qurbajooga xisbiga KULMIYE ee madashan caawa in aannu ku marti-qaadno, waxaanan Madaxweynaha idiinka sidaa salaan iyo boggaadin weyn. Waxa aan shaki ku jirin taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku kala nool dalalka dibaddu in door weyn ay ka qaateen ole-olaha doorashooyinka xisbiga KULMIYE, maaha arrin ugub ah arintaasi, maaha mid bilaabantay doorashada 2017-ka ee aynnu hada ku jirno, KULMIYE wuxuu ahaa xisbi ku xoogan qurbaha wuxuu ahaa xisbi laga soo taageero oo aqoonyahada iyo haldoorka ku dhaqan dalalkaasi ay taageero weyn la barbar joogeen, waxaan leeyahay waa meelihii xisbiga KULMIYE uu ka gamaari waayey.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Arrintaa iyada ahi waa mid mudan xusid mudan taariikhada xisbiga KULMIYE meel weyn kaga jirtaa, waxay ka mid tahay waxyaabihii guusha xisbiga KULMIYE keenay, Kulmiye taageerayaal loxdan ayuu dibadda ku lahaa, waxaannu aamin-sanahay ilaa maanta inay yihiin kuwo xisbiga KULMIYE barbar taagan, waxa ka markhaati kacaya Ole-olahaas maanta dalka ka socda, inta xubnood ee qurbajoog ah ee maanta ole-olahaas ka soo qayb qaadatay. Mudanayaal iyo marwooyin Somaliland way guulaysatay, xisbiga KULMIYE talada markuu haaneeday 2010-kii waxa uu dalkan u horseeday himilo iyo horumar, Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo gadhaweenka ka ahaa waxay dalka ka hirgalisay horumar ballaadhan, waxay aynnu maanta joogaa gabogabadii muddo xilkeedkii madaxweyne Siilaanyo, wax waliba waa khaatumada shacbiga Somaliland maanta xaqiiqada ayey ogyihiin oo ah in xukuumaddani ay tahay tii horumarka iyo waxqabadka.”

Ugu dambayntii Mudane Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka looga baahan yahay guud ahaan xisbgia KULMIYE waxaanu yidhi “ Qurbajoog hadaa tihiin waannu diin mahad-naqaynaa, gurmadkiina iyo gargaarkiinuna waa gudoon, waxa inoo balan ah maalhmaha soo socda inaynu dadaalka kordhino dhammaanteen, in aynaan is dhigan, doorashada laysma dhigto, innagu is dhigan mayno, isna niyad-jabin mayno, waxa aynnu ka soo qaadanaynaa innaynu siman nahay ragaa walaaladeen ah ee aynnu loolamayno, sidaa darteen dadaalka waa kordhinaynaa.”


Wa bilaahi Tawfiiq