Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley wefti ganacsato ah oo ka socda Sucuudi carabiya +Sawiro

0
462
????????????????????????????????????

WAR-SAXAAFADEED: 24/04/2016-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta kulan gaara la yeeshay xubno ganacsato ah oo ka socda boqortooyada sucuudi Carabiya, kuwaasoo madaxweynaha ku soo booqday xafiiskiisa.

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga waramay ahmiyada ay Somaliland u leedahay mandaqada ay ku taallo, oo ah mandaq halbawle ah gaar ahaan dhinaca ganacsiga caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu weftiga uga sheekeeyey sida ay boqortooda sucuudigu u tahay dal weyn oo hurmood ka ah dunida islaamka iyo dalalka carabta ee ay Somaliland ka mid tahay, madaxweynaha oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi ”dalka Somaliland iyo boqortooyada sucuudi carabiya waxay soo lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo islaam nimo, carabnimo, walaalimo iyo jaarnimoba ku dhisan”.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay sida loogu baahan yahay in xidhiidhka labada ummadood lahayaan jireen kor loogu qaado, gaar ahaan kan ganacsiga, oo madaxweynuhu soo jeediyey in boqortoodayada Sucuudi carabiya dawlad ahaan iyo ganacsato ahaanba ay ka helikaraan Somaliland, fursado badan oo ganacsi iyo maalgashi, waxaanu tilmaamay madaxweynuhu sida dalka Somaliland hodanka ugu yahay dhinacyo badan, hadday noqoto kalluunka iyo guud ahaanba khayraadka badda, beeraha, xoolaha, iyo dhinaca dalxiiskaba.
Dhinacooda xubnaha ganacsatada ah oo kala ahaa Cabdulcasiis Maxamed Al-Dilas iyo Majid Assi Al-Shamari , waxay bogaadin iyo ammaan u soo jeediyeen wanaaga ay ku arkeen dalka, kana mid tahay nabada iyo horumarka, ka hana qaaday, iyagoo tilmaamay inay ka muuqato Somaliland dal iyo dad ahaanba inay heleen hogaan ku jeheeya wanaaga, iyo horumarka aanu indhaha ka soo qaadnay ee dalkiina, waxa kale oo ay xubnuhu iska daba mareen inay ka faaiidaysan doonaan fursadaha tirada badan, ee ganacsi iyo maalgashi oo waxanay intii ay joogeen ay arkeen, waxna ay ka heleen warbixinta madaxweynaha, iyo wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka Wasaaradda Ganasiga iyo maalgashiga, Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) oo ay xunbaha ganacsatada ah ee reer Sucuudi kulan gaara wada yeesheen, iyagoo weftigu u mahadnaqay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga oo isagu hawl badan oo la xidhiidha safarkooda u fudeedeeyey.
Weftigu ayaa la sheegay inay dalka u yimaadeen siday ugu kuurgalaan fursadaha ganacsi ee dalku leeyahay iyo siday u maalgashan karaan, taasoo keenaysa in shacbiga Somalilandna ay ka helaan shaqo abuur.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0004

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0068

DSC_0069

DSC_0070

DSC_0071

DSC_0072

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.