Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka Kenya oo isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah + Sawiro

0
722

War-saxaafadeed: 03/07/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

 

Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

 

Madaxawaynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

 

 

Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

 

Ugu danabayntiina waxa uu Madaxweynuhu salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh walaaltinimo.

 

Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here