Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Waaweyn Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Xarumaha Wasaaradda Gaadiida Iyo Hay’adda RDA + Sawiro

0
666

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Waaweyn Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Xarumaha Wasaaradda Gaadiida Iyo Hay’adda RDA

 

Hargeysa- 22-06-2020-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic waaweyn oo dhismeyaal, dayac-tir iyo ibo-fur agab cusub isugu jirta oo ay hirgeliyeen  wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka iyo Hay’adda Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha Baanka dhexe, maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, hoggaanka ciidanka Booliska iyo madaxda gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu horrayn  kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey shan mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhisme cusub oo loo bineeyey hay’adda horumarinta jidadka, dhisme loo dhisay  waaxda liisamada, sumadda  baabuurta iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku, Hoostada gaadiidka dawladda oo dayac-tir iyo qalabayn lagu sameeyey, shaybaadh lagu hubinayo tayada agabka loo isticmaalayo jidadka waddooyinka iyo  qalab macdaad ah oo loo soo iibiyey jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

 

Madaxweynaha, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib kormeer kooban ku sameeyey  xarumaha cusub ee lasoo kordhiyey, waxana uu warbixinno ka dhegaystay khubaro iyo injineerro aqoon durugsan u leh agabka cusub ee goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo si hufan uga warramay muhiimadda uu qalabkaasi u leeyahay horumarinta jidadka iyo helitaanka waddooyin waara oo muddo dheer loo aayo.

 

Munaasibad kooban oo gudaha hay’adda horumarinta jidadka lagu qabtay, ayaa  waxa ugu horrayn ka hadlay maareeyaha hay’adda horumarinta Jidadka, Mudane  Axmed Yuusuf Maxamed, waxana uu ku dheeraaday dedaalka ay hay’ad ahaan ugu jiraan sidii loo dhammaystiri lahaa dhammaanba baahiyaha dhinaca jidadka ah ee dalka ka jira iyo keenista agabka muhiimka u ah dhismaha waddooyinka oo halbowle u ah dhaqaalaha, isku xidhka iyo horumarinta dalka.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa madaxda hay’adda horumarinta jidadka iyo wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku ammaanay xawaaraha dhinaca horumarka ah ee ay shaqada ku wadaan iyo sida ay xilka isaga saareen sidii qaranku u yeelan lahaa jidad iyo agab tayo leh oo mustaqbalka fog  laga faa’iidaysan doono.

 

Wasiirka wasaaradda  Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hadal dhinacyo badan taabanaya goobta ka jeediyey, ayaa xusay inay waxyaabo badan hirgeliyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay keeneen agab faa’iido badan u leh ammaanka guud ee qaranka iyo badqabka gaadiidka kala duwan ee dalka imanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne maanta waxa ka ah gudaha Somaliland in gaadhi kasta lagu heli karo in yar ilbidhiqsiyo, markii horese waxa adkaan jirtey in gaadiidka dadka iyo ka dawladdaba marka loo baahdo  ay muddo badan qaadan jirtey, sidoo kale waxa suurtogal ah gaadiid kasta oo soo gala, maalin kasta, sannad kasta iyo bil kastaba inaynu si fudud u heli karno.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xadhigga lagaga jaray dhismeyaasha iyo agabka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka iyo hay’adda horumarinta waddooyinku soo kordhiyeen, ayaa ugu horrayn bogaadiyey madaxda hawshaas gacanta ku haysa, waxanu caddeeyey in haddii ay bulshadu isku tashato oo wax wada qabsadaan ay si fudud u dhismi karaan dhammaanba jidadka muhiimka ah ee gudaha Somaliland ku yaallaa, waxana uu yidhi, “Ummad baynu nahay xooggeeda haddii ay isu geyso wax qabsan karta, waddo kastaa halka ay marayso inta deggen ee  ku nool haddii qof waliba inta uu karayo xooggiisa ku tabarruco, ka dhaqaale hayaana uu qaybtiisa ka qaato, dawladduna ay hoggaaminta, abaabulka iyo aqoonta soo ururiso, aniga waxay ila tahay inaynu dhisan karno.”

 

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bahda gacanta ku haysa horumarinta waddooyinka kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dedaalkooda, kana midho dhaliyaan himilada qaranka ee ah in la helo jidad casri ah oo fududeeya isu socodka bulshada deegaannada kala durugsan ku kala dhaqan, isaga oo shacabkana usoo jeediyey inay si midaysan qaybtooda uga qaataan horumarka dhinaca jidadka ah ee dalka.

default
default

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here