“ Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa uu ahaa kuwii laga taageeri jiray.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
397

“ Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa uu ahaa kuwii laga taageeri jiray.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Gabiley (WSN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo maanta si weyn loogu qaabiley magaalada Gabiley ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo dhawr ah.

Ugu horayn Wasiirka ayaa ka hadlay Waddo hal KM ah oo golaha deegaanka Gabiley uu ka hirgelinayo degmada Arabsiyo, waxaanu yidhi “ Gollaha deegaanka ee uu u horeeyo duqa magaalada Gabiley, waxaan ku hambalyeynaya maanta wadada aynu dhagax dhignay ee degmada Arabsiyo ee halka kiiloo mitir ah, iyo wadada Alay-baday ee ay ka qayb qaadanayaan waanu ku bogaadinaynaa.”

Geesta kalena Wasiirka ayaa ka hadlay dhismaha xarunta Ciidanka Booliska Gobolka gabiley oo Xukuumadda Somaliland ay fulin doonto isaga oo dhagax dhigay waxaanu yidhi “ “ Waxa aannu maanta halkan dhagax dhignay dhisme loo dhisayo qaybta booliska gobolkan, oo ay dhisayso Xukuumadda Somaliland. Dawladda hoose ee Gabiley maanta waxqabadkeedii wuu muuqdaa, maayarkan iyo kuwii ka horeeyeyba mudadii todobada sanno ahayd ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame wax qabad weyn ayey sameeyeen,waanay is badaleen, waxa dad badani si waydiiayaan maxay u qaban waayeen wakhtiyadii hore waxa ay hada qabteen, lacagahaasi waa kuwii ay awal hore cashuur ahaan u heli jireen iyo kabkii ay dawladdu siin jirtay.”

“ Kaliya laba arrimood ayaa ku jira halkaa, oo xikmad ah labdaas ayaan hoosta ka xaqiirayaa, midi waxa weeye hami iyo himilo waxqabad ayaa Xukuumadani ay la timid, maadaama oo ay la timid oo Madaxweyneheedii kow ka yahay, Goleyaashii deegaankuna dawladii dhexe ayey himiladii kula shaqeeyeen, oo ay kula tartameen. Laba meeshii wax qabasata waxa aannu anaguna xukuumad ahaan xooga saaray in aannu wax u qabano, waa ta sadexaade waxaanu ka daynay gacan togaalayskii iyo shaxaadkii, waraaqihii gaarka ahaa ee Madaxtooyaddu ama wasaarada arrimaha guduhu soo qori jireen, ama Wasiiradii shaxaadi jiray, ayaannu dawladihii hoose ka daynay, lacagahooda siyaasada ma galino, waxaannu nidhaahnaa dalka ku dhisa, runtii intaas ayaa wax weyn abuurtay, markaa horumarkaas uu golaha deegaankan oo Maayar Amiin kow ka yahayba aad ayaanu u bogaadinaynaa.”

Mudane Xaashi ayaa geesta kalena sheegay in Madaxweyne Silaanyo uu aad u jecel yahay gobolka Gabiley waxaanu yidhi “ Madaxweyne Axmed Silaanyo, gobolkan gabiley waa gobol uu jecel yahay, gobolkani waxa uu ahaa goboladii laga taageeri jiray, isaga oo madaxweynuhu horumarka cadaalad ku saleeya, oo aan u eegin yaa kaa codeyey ama ku codeeyey oo ah astaamaha lagu karto hoggaamiyaha balaadhan, hadana wakhtigan oo doorasho loo dareedarayo, waxaanu xoog saarnaa, doorashada, dhaqaale badan ayaa dawlada ku soo baxsaday, dhaqaale darro ayaa dalkan ka jirta, hadii aan duruufahaasi iman taliska qaybta Gabilay wakhti hore ayaa la dhisi lahaa, hasayeeshee iyada oo duruufahaasi Xukuumadda la daris yihiin ayuu Madaxweynaha markii aan u sheegay arriman igu amray in aan fuliyo, jacaylka iyo niyad-sanida uu gobolkan u qabo darteed.”

Alla mahad leh.