Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa, Buuxinna Doono Xilalkii Ay Iska Casileen Wasiir Fartoon Iyo Afhayeenkii Madaxtooyadu

0
243

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la  sheegay inuu dhawaan isku shaadhayn sal ballaadhan uu ku samaynayo Xukuumaddiisa, isla markaana uu buuxin doono jagooyinkii ay iska casileen masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumaddiisa, kuwaas oo noqday Musharraxiin u tartamaysa Doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee inagu soo wajahan.

Xoggo uu wargeyska Foore ka helayo illowareedyo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu maalmaha soo socda uu soo saari doonno wareegto xilka qaadis iyo Magacaabis iskugu jirta,taas oo uu masuuliyiin xilal ka haya Xukuumaddiisa oo iskugu jira Wasiiro, Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale uu bannaanka kasoo dhigi doonno,halka qaar kalena uu isku baddel ku samayn doonno.

Dhanka kalene xoggaha Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu buuxin doonno jagooyinkii ay iska casileen xubno ka tirsanaa Xukuumaddiisa,kuwaas oo kamid noqday Musharraxiinta u tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo degaanka.

Waxa Kamid ah xilalka bannaan ee la sadaalinayo inuu buuxiyo Madaxweyne Biixi Booskii wasiiraka Wasaaradda arrimaha debada oo uu iska casiley Wasiirkii hore ee arrimaha debada Yaasiin Faratoon, iyadoo si weyn isha loogu hayo cidda iyo masuulka uu u soo xulan doono booskan aadka muhiimka ugu ah Madaxtooyada ee Wasiirka Arimaha Dibadda, kaasi oo la eegi doono inuu hab deegaan booskaasi ugu soo buuxiyo iyo inuu hab aqooneed oo xulasho ah ugu saleeyo.

Geesta kalene Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa laga rejaynayaa inuu isku shaadhayntiisa la filayo inuu dhawaan soo saaro uu ku soo dari doono oo uu soo buuxin doonno jagadii Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, taas oo muddo ahayd mid bannaan,kadib markii uu iska casiley Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Jaamac Warsame oo ka mida xubnaha  doorkan u tartamaya Kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland.

Si kastaba ha-ahaatee Isku shaandhaynta la filayo inuu Madaxweyne Biixi ku sameeyo xukuumaddiisa ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa,waxaana la sugayaa buuxinta jagooyinka ka bannaan Xukuumaddiisa, waxaynu sidoo kale dhawri doonaa isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi uu  samayn doonno maal-maha inagu soo wajahan iyo masuuliyiinta ay seefta xilka qaadistu ay jiidhi doonnto ama ay saamayn doonto.

Dadka siyaasadda ka faalooda ayaa Madaxweyne Biixi ku dhaliila inuu aad ugu liito dhinaca Xulashada, iyagoo tusaale u soo qaata Ragga uu ku taxay Wasaaraddaha ugu miisaanka Culus ee dalka ee baylahda badani ka muuqato iyo sida uu indhaha uga xidho faashilka dul hoganaya wasaaraddo badan oo uu ku maamuusay masuuliyiin lasoo shaqeeyay wakhtigii ololaha. Waxay sidoo kale Madaxweynaha ku dhaliilaan inaanu illaa maanta ka dhabayn balanqaadkiisii ku salaysnaa dawlad hawlkar ah oo bulshaddu ku diirsato, balse uu la shir yimid xukuumaddii ugu liidata abid xukuumaddihii dalka soo maray.

Isku shaandhaynta ku soo aadan wakhtiga yar ee uga hadhay Xilkiisa ayaa la eegi doonaa inuu boodhka ka jafo wasaaraddo badan oo bulshadu dhabanada la haysato dayacnaanta baahsan iyo hungadda ragga uu masuulka uga dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here