Hase-ahaatee, xoggo Wargeyska Waaberi u ka helayo ilo ku dhow-dhow fadhi gaar ah oo Madaxweyne Biixi la yeeshay golihiisa Wasiiradda iyo Masuuliyiinta madaxda ka ah Hay’adaha Dawlada, waxa ay tibaaxen in markii Madaxweyne Biixi si guud uga warsaday hawl-wadeenadiisa warbixinaha hay’adahooda, kaddib
aakhirkii uu ku amray Masuuliyiintaa uu kulanka la qaatay, inay si buuxda ugu shaqeeyan rabbitaanka iyo Siyaasadda Xisbiga KULMIYE.
Xoggaha kulanka laga helayo waxay intaa ku darreen in Madaxweynuhu masuuliyiinta u kulanka la lahaa u soo bandhigay inay kala doortaan inay xilka ka tagaan iyo taageerada iyo dhisida Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon oo u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka KULMIYE iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda,ayaa shir arrintaa ku saabsan shalay ku yeeshay Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ka soo qayb-galeen Xildhinaanadda Golaha Wakiillada ee u soo baxay Xisbiga KULMIYE, Waxaana laga codsaday inay cududdooda isugu geeyaan sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, taas oo noqon karta guusha uu beegsanayo Xibsiga taladda dalka hayaa ee KULMIYE
Gunaananadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo halkaas isna ka hadlay ayaa caddeeyey inuu dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaa hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”Annigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 199-kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa, Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaa buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.