Madaxweyne Farmaajo Oo Safarkii Ugu Horeeyay Dibada Uga Baxaya Iyo Xog Ku Aadan Dalka Uu Aadayo?

0
776

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu dalka uga ambabaxo safarkii ugu horeeyay isaga oo Madaxweyne ah. Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu qorsheenayo in uu u safro Boqortooyada Sacuudiga marka la caleemo saaro kadib, waxa uuna dalkaasi ujeeda ugu weyn uu u tagayo lagu sheegay in uu doonayo in uu soo cimreesto dadka iyo dalkana uga soo duceeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale martiqaad ka helay Boqorka Sacuudi Carabiya oo dhawaan qadka Telfoonka kula soo hadlay , waxa uuna Boqorka ku marti qaaday Madaxweynaha shir Madaxeedka dalalka Iskaashiga Islaamka oo Riyaadh ka dhacaya.

Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Farmaajo wadamo kale looga soo diray casuumado kala duwan, waxaana Madaxweynaha la filayaa safarka Sacuudiga kadib uu tago wadamo kale oo kamid ah kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wax badan kaga duwan Madaxdii ka horeesay kuwaa oo safaradooda ugu horeeya ku tagi jiray wadamada dariska gaar ahaan Wadamada Itoobiya iyo Kenya oo saameyn badan ku lahaa Siyaasada dalka lagu hago.