Madaxweyne ku xigeenka oo Qoyska iyo Shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Eng Xuseen Cabdi Cali oo maanta lagu aasay Hargeysa

0
437

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN-09/05/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Warsuganews)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Marxuum Eng Xuseen Cabdi Cali oo maanta 09.05.2016 ku geeriyooday Hargeysa. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, horena waxa uu u ahaa maareeye ku xigeenkii hore Hay’adda wadooyinka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.