Madaxweyne Ku-xigeenka Saylici Oo Mawjado Dad ahi Kusoo Dhaweeyeen Degmada Ceerigaabo Yufle Ceel-Afweyn Gar-Adag Iyo Lugayntii Faras-Magaalaha + Sawiro

0
354

Madaxweyne Ku-xigeenka Saylici Oo Mawjado Dad ahi Kusoo Dhaweeyeen Degmada Ceerigaabo Yufle Ceel-Afweyn Gar-Adag Iyo Lugayntii Faras-Magaalaha + Sawiro

Ceerigaabo(Warsugannews)-Kumanaan kamid ah dadweynaha kunool Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa, si aan kala hadh laheyn usoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), oo galinkii dambe ee Maanta gaadhay Magaalada Ceerigaabo kadib markii uu saaka soo dhaweyn diiran kala kulmey Degmooyinka Gar-Adag,Ceel-Afweyn iyo Yufle.

Soo dhaweynta Shacbiga Degmada Ceerigaabo iyo Degmooyinka Gobolku Sanaag kusoo dhaweeyeen Madaxweyne Kuxigeenka, oo aheyd mid ay dhoolatus kal iyo laab ah ugu muujiyeen Bulshada Reer Sanaag ee Degmooyinka uu soo marey waxa ashqaraar iyo layaab ku noqdey Shacbigii soo dhaweeyey Cabdiraxmaan-Saylici(Madaxweyne Kuxigeenka), oo dadweynaha soo dhaweeyay si kalsooni leh u dhex lugeeyay badhtamaha faras Magaalaha Ceerigabo marka laga reebo kadinka Magaalada oo uu qof qof ugu salaamay dadweynihii isa safey cidhifyada Laamida laga soo galo Gudaha Magaalada.

Waftiga balaadhan ee Madaxweyne Kuxigeenku hogaaminayey oo ay qeyb ka ahaayeen Masuulyiinta Xisbi Xaakimka Kulmiye oo uu hurkacayey Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Afhayeenka Xisbiga Xasan Gaafaadhi,waxa uu Madaxweyne Kuxigeenku socodkii uu lugta kusoo dhex marey dadweynaha soo dhaweeyay ee Reer Ceerigaabo kusoo khatimay Guriga Martida ee Magaalada Ceerigaabo.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo socdaalkiisan uu kusoo gaadhey Gobolka Sanaag ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo uu ku furayo Diiwaangalinta ka bilaabmi doonta Maalinta sabtida ah ee Todobaadka soo socda waxa uu kala kulmey soo dhaweyn balaadhan oo ka farxiyay isaga iyo waftiga uu hogaaminayo.
saylici

Saylici2

saylici5 (1)

saylici5

saylici6

saylici7

saylici9

saylici10

saylici12 (1)

saylici12

saylici13

saylici44