Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxa Hay’adda FAO

0
594

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxa Hay’adda FAO

Hargeysa-20-03-2018-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxa hay’adda FAO u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Daniele Donati iyo saraakiil kale oo isla hay’addaas ka tirsan.

Kulankan oo lagu lafo-guray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka hay’adda FAO iyo Somaliland ka dhexeeya, gaar ahaan wasaaraddaha iyo hay’adaha ay wada shaqaynta tooska ah leeyihiin sida Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Deegaanka, Beeraha, qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo Hay’ adda u-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, iyada oo laga wada hadlay sidii FOA ay qayb uga noqon lahayd dedaalka iyo horumarinta ay xukuumadda Somaliland ugu jrto dhammaan horumarinta hay’adaha kala duwan ee qaranka.

Waxa kale oo iyana laga wada hadlay sidii ay FAO qayb uga noqon lahayd gacanna uga geysan lahayd xaaladda abaarta ee gobolada dalka qaar ku soo noq-noqotay, waxaanay madaxda hay’addaaasi ballan qaadeen inay dhamaan arrimahaasi oo dhan gacan ka geysan doonaan, dedaal dheeraadana gelin doonaan, isla markaana ay Somaliland ay u yimaadeen libin-laabidda dedaalkooda.

Kulankaasi waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinaayey wasiirrada, wasaaradaha Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Cawaale ibrahim Shirwac iyo agaasimaha guud ee beeraha, Mudane Maxamed Cilmi Aadan.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL