Madaxweyne Museveni oo Shaaciyey halka laga heysto Soomaaliya

0
401

waaxa qoraya yaasir br

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni oo kulamo amaanka looga hadlaayay kula yeeshay wadankaasi sarakiil ciidan oo oo ka tirsan wadanka Faransiiska ah ayaa ka hadlay ka bixitaanka saldhigyo dhowr ah ay baneyeen ciidamada Ethiopia.
Kulanka oo ka dhacay hotel ku yaala degaan xeebedka Munyonyo waxaa ka qeyb galay safiirka cusub ee Faransiiska u qaabilsan dalkaasi Uganda Ms. Stephanie Rivoa taa oo boqatay ciidamada Faransiska ka jooga wadankaasi.
Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday dhibaatada haysata hogaanka Soomaaliya inay tahay fikir la’aanta marka ay timaado inay ciidamada AMISOM magalooyin qaar ee Soomaalia ka baxaan.
Saraakiisha Faransiiska ee kulankaasi ka qeyb galay ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin ciidamada Ethiopa saldhigyadoodi inay baneeyaan halkaasi oo goor danbe ay la wareegen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay sii wadaan taagerada ay la garab taagan yiiin ciidamada AMISOM si ay u sii wadaan soo celinta xasilonida Soomaaliya.
Yoweri Museveni ayaa yiri “hadii Ethiopia ciidamada kala baxday degaano kamid ah Soomaaliya waxaa diyaar u ah ciidamadeeni oo hogaan iyo ciidanba leh oo dabooli kara goobaha aay baneyeen ciidamada Ethiopia.
Aragtida Qabyaaladda ee hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo is taageerid la’aanta ayuu ku sheegay in ay tahay dhibta ugu weyn ee uu hadda wajahayo Soomaaliya,waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada.