Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Shacabka La Hadlay 24-ka Saacadood Ee Socda Iyo Qodobada Horyaala

0
341

Kadib shir uu madaxweyne Siilaanyo mawqifkiiska qabsoomidda doorashada la xidhiidha ku caddeeyey oo uu la yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka,
ayaa waxa la filayaa inuu maanta ama Berri khudbad dheer ujeediyo bulshada reer Somaliland iyo weliba beesha caalamka ee doorashooyinka dalka daneeya.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu khudbaddiisaWarar hoose oo uu helayo wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu talooyin badan urursaday, isla-markaana ku gudo jiro diyaarinta khudbaddii uu ku caddaynayey mawqifkiisa la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka madaxtinimada ee qorshaysan 28-ka bisha March ee sadanka 2017-ka oo axsaabta mucaaridku dib uga fadhiisteen, balse isaga iyo xisbigiisa KULMIYE-ba dedaal ugu jiraan inaanay dib udhicin.
ku caddeeyo sida aanu xiisaha ugu qabin in markiisii labaad loo kordhiyo, isla-markaana ay isaga iyo xukuumaddiisaba ka go’an tahay inuu doorashada maalinteeda ku qabto, isla-markaana uu hirgelin doono gurmad ballaadhan oo bulshada abaartu taabatay loogu gargaarayo.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisan kula hadli doona beesha caalamka, axsaabta qaranka iyo weliba bulshada reer Somaliland, waxana ku caddayn doonaa inuu dalka doorasho aan muddo-dhaafin ka qaban doono, sida wararku sheegayaan.
Hadalka madaxweynaha, ayaa lagu wadaa inuu soo afmeero diidmada mucaaridka ee qabashada doorashada la xidhiidha, waxana go’aanka uu qaataa baal dahab ah kaga qormi doonaa taariikhdiisa dambe ee ka hadhi doonta.