Madaxweyne Siilaanyo oo wasaaradda Arrimaha Gudaha Gacanta u geliyey Masuuliyiin ka Tirsanaa Dawladdii uu Naqdiye jiray ee Rayaale

0
744

Hargeysa(warsugannews)-Digreetooyinkii u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay masuuliyiinta cusub, ayaa waxa ka soo dhex baxay sawir xiiso badan oo is fasiraya.

Digtrootooyinkan oo uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ka dib markii ay is casileen wasiiro iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa ay noqdeen kuwo ay bulshadu aad u falanqaysay ka dib markii ay indhahooda soo jiiteen qaar ka mid ah xilalka degreetooyinkaas lagu magacaabay.

Meelaha ay indhaha bulshadu qabteen waxa ka mid ah wasaarada arrimaha gudaha oo loo magacaabay masuuliyiin ka tirsanaa dawladii Daahir Rayaale Kaahin. Wasaaraddan oo uu hore wasiir uga ahaa Cali Maxamed Warancade oo ahaa wasiirkii duulista ee dawladii Daahir Rayaale Kaahin ayaa masuuliyiinta loo magacaabay ay yihiin rag xilal ka soo qabtay isla xukuumaddaas Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Waxaana wasaaradan arrimaha gudaha oo ah wasaaradda ugu balaadhan wasaaradaha Somaliland madax ka ah masuuliyiinta kala ah

1. Cali Maxamed Warancade (Wasiir; horena u ahaa wasiirkii duulista ee Rayaale)

2. Maxamed Muuse Diiriye (Wasiir-xigeenka amniga, horena wuxuu u ahaa maareeyihii TVga ee Rayaale)

3. Jaamac Cabdillaahi Biin (Wasiir-xieenka gobalada iyo degmooyinka; horena wuxuu u ahaa badhasaabkii Rayaale ee Togdheer)

4. Cabdifataax Siciid Axmed (Agaasimaha guud ee Wasaaradda Daakhiliga, Rayaalena wuxuu u ahaa safiirkii Ireland, inkastoo uu is casilay laba habeen ka hor doorashadii madaxtooyada 2010)

Waxaa muuqata in madaxweyne Silaanyo wasaaradii ugu cuslayd wasaaradaha xukuumadiisa uu gacanta u geliyay masuuliyiin ka soo jeeda xisbigii UDUB iyo dawladdii Daahir Rayaale Kaahin oo xilligeedii uu madaxweyne Siilaanyo ku ahaa mucaarad kulul oo si joogto ah ugu cambaareeyo maamul xumo musuq-maasuq iyo boqollaal ceebood oo kale. arrintan oo mawduuc cuddoon u noqotay dadka sida gaarka ah falanqeeya siyaasadda gudaha ee Somaliland, gaar ahaan marka si gaar ah loo eego sida si-yar-yarta ah ee masuuliyiin ku magacaaban digreetooyin kala waqtiyo ahi ay aakhirkii uga dhalatay in talada wasaaradda ugu sarraysa dhinaca amnigu ay gacanta u gasho masuuliyiin hore uga tirsanaa xukuumadii mudane Rayaale.

Magacaabista qaybtan u dambaysay ee masuuliyiintan oo ku soo beegmay wakhti uu khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro xisbiga KULMIYE oo saamayn ku yeelan kara amniga ayay dadka qaarkood ku xidhiidhinayaan in masuuliyiintan ay madaxtooyadu u xulatay inay waajahaan saamaynta amni ee uu yeelan karo khilaafka KULMIYE haddiib uu sii adkaado, waxaana taas lagu macnayn karaa KULMIYE oo UDUB u adeegsanaya in uu iska difaaco KULMIYE ama haddii aynu si kale u macnayno; KULMIYE oo UDUB isu adeegsanaya.

Docda kalena, waxa arrintan ay dadka qaarkii ku fasirayaan in Madaxweyne Siilaanyo uu garwaaqsaday inuu hay’adda ugu saraysa amniga u dhiibo masuuliyin ka tirsanaa dawladii Daahir Rayaale Kaahin oo lagu majeeran jiray inay khubaro ku ahaayeen arrimaha ammaanka iyo sirdoonka, si khibraddooda uu uga faa’ideeyo arrimaha ammaanka, taasna waxa loo macnaysan karaa in dhaliishii Madaxweyne Siilaanyo ee ku waajahnayd Madaxweynihii hore ay ahayd waxba kama jiraan kurisga lagu fuulayay oo keliya.

xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here