Madaxweyne Silaanyo Oo Tacsi u diray Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) OO Hargeysa lagu aasay maanta

0
329

Madaxweyne Silaanyo Oo Tacsi u diray Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) OO Hargeysa lagu aasay maanta

TACSI MADAXWEYNE – 18/12/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo Suugaanta, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) oo ku geeriyooday 18/12/2016, magaalada Hargeysa laguna aasay xabaalaha masalaha maanta.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey hal abuur ku suntan taariikhda inta Af-soomaaliga ku hadasha iyo ta shacbiga Somalilandba, waxaanu door muhiima ka qaatay tilmaanta iyo toosinta quluubta shacbiga Somaliland gaar ahaan wakhtiyadii adkaa ee uu dalku ka soo gudbay. Abwaanku waxa uu tusaale wanaagsan u ahaa bahda fanka iyo suugaanta, kaalintiisuna waa mid ku banaanan doonta shacbiga Somaliland iyo inta Afka Soomaaliga ku hadasha, lana tebi doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo Suugaanta, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.