Madaxweyne somaliya oo u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

0
774

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow oo maanta Arbaco ah u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu yahay mid hal cisho ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Addis Ababa, kaasoo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo doorashada meel gaba gabo ah mareysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, marka ay is arkaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadkii hore Addis Ababa ay tageen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Shariif Xasan iyo C/raxmaan C/shakuur oo saddexduba ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Itoobiya ayaa taageersan Musharaxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ka soo horjeeda qorshaha ay wadato Imaaraadka Carabta oo ah in meesha laga saaro Xasan Sheekh.

Dowladda Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku kala aragti duwan Musharaxiinta ay wadato ee uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid

Tan iyo markii Imaaraadka Carabta ay bilowday inay si toos ah ugu lug yeelato hanaanka doorashooyinka, waxaa soo baxayay saameynta ay ku yeelanayaan arrimaha siyaasada Soomaaliya, taas ayaa keentay in Itoobiya ay mar dambe ku baraarugto qorshaha Imaaraadka Carabta iyo Kenya ka leeyihiin Hoggaanka dalka.

Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago magaalada Addis Ababa, tan iyo markii uu bilowday ololaha doorashad, bishii hore ee October ayay aheyd markii safar hal cisho uu ku tagay Addis Ababa.