Madaxweyne SOMALIYA oo Xil lama filaan ah umagacaabi doona Madaxweyne hore Sh Shariif XOG

0
477

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa la filayaa in loo magacaabo xil lama filaan ah inkastoo wali ay socdaan wadahadalo arintaas ku aadan.

Warar ay heshay Shabakada Wararka     WAR SUGAN NEWS ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu Sh Shariif usoo bandhigay sedex xil si uu midkood ugu dhiibo.

Xilalkaas kuma jiraan xilka ra’isul wasaaraha oo la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya magacaabo, laakiin waxaa uu talo ku lahaan doonaa ra’isul wasaaraha lasoo magacaabayo.

Kulan dhexmaray Farmaajo iyo Sh Shariif ayaa looga hadlay suurta galnimada in Farmaajo loo magacaabo midkood safiirka dalka Uganda ama safiirka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in mudane Sh Shariif loo soo bandhigay inuu noqdo la taliye madaxweynaha ah, inkastoo uusan xilkaas ku qancin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu ku faraxsan yahay kulankii uu la qaatay madaxweyne hore Xasah Sh kahor inta uusan xilka kala wareegin Xasan Sh Maxamuud.