Madaxweyne Trump oo booqday xarunta sirdoonka ee CIA-da, kana raalli geliyay xurguftii kala dhaxeysay

0
357

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa booqasho waxa uu ku tagay shalay oo sabti aheyd xarunta laga maamulo sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaan CIA-da taas oo ku taan magaalada Langleyee gobolkaasi Virginia.

Mr. Trump oo xurgufi kala dhexeysay hay`addaasi xilligii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxaa uu kulan la qaatay ku dhawaad afar boqol oo ka mid ah shaqaalaha hay`addaasi, kuwaas oo uu u sheegay in boqolkiiba kun (1000%) uu taageersan yahay hay`adda sirdoonka CIA-da.

” – Dad aad u yar ayaa qaban kara shaqada aad haysaan, waxaana ogaataan in aan idin taageersanahay boqolkiiba kun”, sidaa waxaa yiri madaxweyne Trump.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa madaxweynaha ” – Waan ogahay in marwalba aadan helin taageerada aad u baahneydeen, balse waxaad aniga iga heli doontaan taageero aad u badan”.

Khudbaddiisa ayuu muwuu kusoo hadal qaaday kooxda khilaafada Islaamka ee loo yaqaan IS kuwaas oo uu ku sheegay arxan laawayaal loo baahan yahay in dunida laga tir-tiro.

Waxa uu ku wargeliyay shaqaalaha iyo saraakiisha CIA-da in ay isla iloobaan xurguftii soo kala dhex gashay isaga iyo hay`adda xilligii ololaha doorashada.

CIA ayaa waxa ay soo saartay dhawaan warbixin sheegeysa indowladda ruushku ay ku saaciday Donald Trumo ololihiisa doorashada.