Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Sacuudiga

0
438

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga u soo magcaabdey Soomaaliya.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat, waxa uuna ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaddib markii uu soo magcaabay boqorka Sacuudiga Makil Salman Bin Abdal-Aziz.

Madaxweynaha iyo Safiirka cusub, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, madaxweynaha ayaa safiirka uga mahaceliyey imaanshihiisa Soomaaliya, una ballan qaadey in uu ku gacan siin doono howsha ballaaran ee uu Soomaaliya ka qaban doono, iyadoo safiirka uu xusay in Sacuudiga uu daneynayo ka qeyb-galka horumarka Soomaaliya ka bilowdey oo dhan walba leh.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Sacuudiga uu doonayo in uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, ganacsiga iyo in amniga laga caawiyo Soomaaliya xiligaan.

Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa si kooban u sheegay in goow dhow la arki doono howlo badan oo dowladda Sacuudiga ka fuliso Soomaaliya, taas oo kor u sii qaadeysa xiriirka dheer ee taarikhiga ah oo labada dalba ay wadaaggaan.

Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka Sacuudiga, waxa ay xaruntiisa noqoneysaa magaalada Muqdisho, maadaama Sacuudiga uu masuul uga yahay safaarado ay ka mid tahay midda dalka Kenya, si dib loogu howlgeliyo safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo dhisan, Soomaaliya waxa ay guul la taaban karo ka gaartay xiriirka dibedda oo afartii sanno ee la soo dhaafey gaaray heer sare.