Magaalada Cadaado. MUUQAAAL Taliyaha ciidamada Amisom iyo Abaanduulaha Xooga dalka oo gaaray Magaalada Cadaado

0
366

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi gaareen Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Amisom iyo Abaanduulaha Xooga dalka.

Wafdigaan ayaa la shaacin u jeedka ay u gaareen Magaalada Cadaado ,laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ay doonayaan in ciidanka xoogga dalka Somaliyed aysan ku lug yeelan qalalaasaha ka taagan Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Amisom General Cismaan Nuur Subagle iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Cali Baashi ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo kala duwan ay la qadan doonaan Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magaalada Cadaado, iyadoo Wafdiga Taliyeyaasha loo kaxeeyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ku aadan in Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Suggida ee Galmudug ka howlgala ay arbusheen Hotel ay ku qadaynayeen Xildhibaanada ka soo horjeeda C/kariin Xuseen Guuleed.

Magaalada Cadaado waxaa ku sugan ciidamada Xooga dalka Somaliya qaybta 21-aad iyo ciidamo ka tirsan kuwa Amisom.