Magacyada Dad Khamri Lagu Qabtay Oo Maxkamadda Gobolka Sanaag Xukunno Ku Riday

0
544

Magacyada Dad Khamri Lagu Qabtay Oo Maxkamadda Gobolka Sanaag Xukunno Ku Riday
Ceerigaabo(Warsugan) Maxkamadda gobolka Sanaag ayaa xukunno ku riday dad lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga. Sidoo kalena waxay xukuntay in la gubo laba boqol oo quraaradood oo Khamri ah, kuwaasi oo madaxda garsoorka, booliska iyo maamulka gobolku si wada jir ah ugu gubeen Ceerigaabo.Sidoo kalena qori iyo gaadhigii Khamrigu siday ayay maxkamaddu xukuntay inay noqdaan hanti dawladeed.

Jaamac Maxamuud Ciise oo ah ninka ka ganacsanayay khamriga ayaa lagu xukumay afar sanno oo xadhig ah iyo afar milyan oo shilinka Somaliland ah; Cismaan Ciise Xasan oo ah darawalka, kireeyaha iyo masuulka gaadhiga khamriga siday ayaa lagu riday xabsi ah afar sanno iyo afar milyan oo lacag ah Somaliland ah;
Maxamed Xasan Yuusuf ayaa lagu helay dambi ah inuu dal mariyay Khamriga Ceelafweyn ilaa Buuhoodle, islamarkaana guryo geeyay, waxaana lagu xukumay xabsi hal sanno ah iyo afar milyan Somaliland ah; Sidoo kalena gaadhigii Khamriga siday oo xaajiyad ah ayaa lagu xukumay lacag dhan boqolkiiba shan qiimaha guud ee gaadhiga, waxa sidoo kalena dawladdu la wareegtay qori AK-47 ah oo lagu qabtay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa booliska iyo bahda garsoorka ku ammaanay siday caddaaladda u mariyeen dadka dalka keenay Kharmriga. Waxa uu sheegay in Maandooriyahan oo dalka ka mamnuuc ah, sidoo kalena Diinta Islaamku xarrintay ay boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan, arrintaasi oo uu ku bogaadiyay.
Xigasho Wargeyska Warsugan