Man City oo laga yaabo inay mar kale ku ciyaarto garoon dhinac ka bannaan

0
690

MANCHESTER CITY ayaa yax yax kala kulantay kulanka ay ku wajahayso Chelsea iyadoo ka cararaysa in lagu ciyaaro garoon dhinacyada ka bannaan oo faaruq xigeen ah.

Sida uu qorayo warsidaha The Sun, iyadoo ay haatan saacado uun ka harsan yihiin kulankan ayuu warsidahani muujiyay qaybo ka tirsan garoonka kooxda Man City oo aan weli tigidhadiisii la iibsanin, tiiyoo ay jirto inay markii ugu horreeysay taariikhdka ku kulmayaan Pep Guardiola iyo Antonio Conte.

Webka rasmiga ah ee Manchester City ayaa waxaa ku qoran sidatan: “Tigidhada ciyaartani waa iib guud. Waxaase taageerihiiba loo ogol yahay 6 xabo ugu badnaan.”

Iyadoo maaddaama si guud loo iibinayo, ay taasi ka dhigan tahay inay sahlan tahay inaad tigidh hesho hadaad tahay taageere Man City iyo haddii kalaba, adigoo kaliya koonto ka samaysanaya webkooda kaddibna gujinaya kuraasida taalla baloogga aad doonayso. Qiimuhuna wuxuu ka bilaabmayaa £58.

Bilowgii kal-ciyaareedkii tegey ayay City ballaarisay qaybta Colin Bell Stand, oo ay aalaaba fariistaan taageerayaasha doolka ah iyagoo qaadka gaarsiiyay 54,000.

Waxay kaddib heleen rukhsad ay ku ballaarin karaan qaybta North Stand, taasoo qaadka Etihad gaarsiinaysa 61,000, taasoo ka dhigaysa garoonka 2-aad ee ugu wayn England daaqaddana ka saaraysa Emirates.