Mareykanka Iyo UK Oo Si Kulul Uga Horyimid Muddo Korodhsiga FARMAAJO, Kuna Hanjabay Cuna-qabateyn

0
261

 

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay inay si aad ah uga xamaadeen qaraarkii dowladda Soomalaiya ee lagu ansixiyay muddo 2 sano ah oo loogu kordhiyay muddo xileedka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka.

“Waxaan hore ugu celcelinay inay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, badhaadhaha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaadhaan heshiis ku aadan sidii hore loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa uu Mareykanka ku celiyay in marnaba ayna taageeri doonin muddo koradhsiga la sameeyay, doorashooyin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada ayna minjaxaabinayso nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

UK

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Midowga Boqorotooda UK, ayaa dhankiisa si lamid ah kuwa kale ee Beesha caalamka soo saarey qoraal si weyn loogu digaayo Hoggaamiyaha mudada korodhsadey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu yidhi qoraalkaasi:

Waxaan aad uga xunahay go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu laba sanno ugu kordhiyay xilka Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka Soomaaliya. Tani xal uma ahan culeysyada joogtada ah ee saaran hanaanka doorashada, laakiin taa badalkeeda waa tallaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hoggaaminta Soomaaliya isla markaana khatar ku ah badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliya. Maaddaama oo aanu jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto oo aan dib u dhac ku jirin, xidhiidhka beesha caalamka ay la leedahay hoggaanka Soomaaliya waa isbadalayaa. Midowga Boqortooyada (UK) waxa ay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xidhiidhkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya.

James Duddridge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here